Madaxweyne Waare oo Isku-Shaandheyn ku sameynaya Golihiisa Wasiirada

Warar ay heshay Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in lagu wado in saacadaha soo socda uu Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu Isku-Shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada.

Madaxweyne Waare ayaa Maanta gaaray Magalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle,isaga oo maalmihii la soo dhaafay howlo Shaqo u joogay Magalada Muqdisho.

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxa uu kulan Albaabada u xiran yihiin la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo tiro Xildhibaano ah.

Sababaha ugu weyn ee keeneysa Isku-Shaandheynta ayaa waxaa lagu sheegay in Beelaha qaar ay saluugsan yihiin jagooyinka laga siiyay Golaha Wasiirada.

Golaha Xukuumadda ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ah kuwo banaanka laga keenay,waxaana haatan la filayaa in intooda badan laga soo xulo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeellle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor