Madaxweyne Waare oo Digniin u diray Xildhibaanada Baarlamaanka Dowladda

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Khubad kooban ka jeediyay Shirkii xalay lagu soo Gaba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee maalmihii lasoo dhaafay u socday Madaxda DFS iyo maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Waare ayaa Madaxweyne Maxamed Caddullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre uga mahadceliyay xal ka gaariga Khilaafyadii muddooyinkii dambe ka dhex-jiray Madaxda isugu tegtay Galmudug.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada ugu baaqay in si toos ah loo fuliyo heshiisyadii Madaxda gaartay, isla markaana waxaa uu rajo ka muujiyay in is fahamka la gaaray uu sii socon doono.

Dhinaca kale Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya uga digay inay kuraastooda u wareejiyaan deegaano kale oo markii horey laga soo dooran, wuxuuna xusay in Xildhibaankii kusrigiisa wareejiya uusan soo laaban doonin.

“Xildhibaankii kursigiisa dhabarka saartay ama la cararay ha ogaado, hana ku Bishaareysta Xildhibaankaas sooma noqonaayo, sababtu ayadoo aan doorashaba dhicin ayuu muujiyey in dadkiisu aysan ku kalsoonayn” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media