Madaxweyne Trump oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Somalia ee Mareykanka

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee Washington Cali Shariif Axmed ayaa warqadihii aqoonsiga shalay u gudbiyay madaxweynaha Mareykanka  Donald Trump.

Danjire Cali Shariif ayaa noqonaya safiirkii saddexaad ee Soomaaliya u soo magacaawdo Washington tan iyo 2014-kii.

Danjire Cali Shariif  ayaa horey u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Ethiopia iyo France.

Sidoo kale Cali Shariif ayaa waxaa uu bedelayaa Axmed Ciise Cawad oo horey u ahaa Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka,kadib markii uu loo magacaabay inuu noqdo Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Federaaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay aqbaaladda waraaqaha aqoonsiga ee Madaxweyne  Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa u qornaa sida:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqabaaladda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka Cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faa’iidada u leh labada dal.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Washington wuxuu hore usoo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).

Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hay’ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.

Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo isidii uu usii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faa’iideysan karaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media