Madaxweyne Trump oo markii ugu horreeyay xirtay face-mask COVID-19

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa markii ugu horraysay meel fagaare ah waxa uu ku xirtay mask tan iyo markii uu bilowday xanuunka safmarka ah ee fayraska korona.

Madaxweynaha ayaa waxa uu booqanayay isbitaalka milateriga ee Walter Reed ee ku yaal daafaha magaalada Washington, halkaas oo uu kula kulmay askar dhaawac ah iyo howlwadeennada caafimaadka.

“Markii horaba kama soo horjeedin mask-yada balse waxaan rumaysanahay in ay leeyihiin waqti iyo goob lagu xirto,” ayuu yiri mar uu ka sii baxayay Aqalka Cad.

Hore ayaa waxa uu u sheegay inuusan xiran doonin mask, iyadoo xirashada mask-ga uu uu ku dacaayadeeday ninka ay aadka isku hayaan Joe Biden ee ah musharaxa madaxtinimada ee Xisbiga Dimuqraadiga.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media