Madaxweyne Trump oo mar kale eedeeyey Dowladaha Isbahaysiga NATO.

Ilo-wareedyo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inuu Madaxweyne Donald Trump uu Kulan Degdeg ah oo ay albaabadda u xirnaa  la yeeshay Madaxda dalalka qeybta ka ah Isbahaysiga NATO oo haatan ku shirsan caasimadad dalka Belgium ee Brussels.

Madaxweynuhu waxa uu Eedeyn cusub kula dul-dhacay Madaxdaas, oo ku aadan dhinaca Kharajka iyo Ganacsiga Europe.

Dhinaca kale, Hogaamiyayaasha NATO waxay Eedeynta Trump kadib ka codsadeen Wakiilladda dalalka aan xubnaha ka ahayn NATO ee Yurkrayn iyo Joorjiya inay dibed-joog ka noqdaan Shirka ay leeyihiin dalalka Isbahaysiga oo keliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media