Madaxweyne Trump oo hal arrin darteed ugu mahadceliyay Iran

Madaxweyne Trump ayaa Iran uga mahadceliyay siideynta muwaadin reer Mareykanka ah oo Iran muddo laba sannadood ka badan u xirnaa. Qoraal uu barta Twitter-ka soo dhigay ayuu Trump ku sheegay in siideyntii askariga ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ay muujinaysa inuu meel maray heshiiskii isweydaarsiga maxaabiista.

Iran ayaa iydana loo soo daayay seynisyahan Sirous Asgari oo Mareykanka ku xirnaa isagoo loo haystay inuu jaamacad Mareykanka ku taal ka xaday qalabka baaritaanada ee seyniska. Waxaana si deyntiisa soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Iran Mohammad Javad Zarif.

Michael White ayaa la xiray 2018-kii isagoo doonayay inuu la kulmo saaxibadii oo ku sugnayd magaalada Mashhad ee dalkaasi Iran, balse lama shaacin sabata loo xiray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media