Madaxweyne Trump oo booqday Goobta uu ka kacay dabkii California

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa gaaray California si uu u soo indha indheeyo qasaaraha ka dhashay dabka ka kacay gobolkaasi oo ay ku dhinteen 71 qof.

Wararku waxaa kale oo ay sheegayaan 1,000 qof oo kale in la la’yahay iyada oo mas’uuliyiinta gobolkaasi ay sheegeen tirada dadka dhintay iyo kuwa la la’yahayba ay isbedbeddeli karto.

Madaxweyne Trump oo magaalada Paradise uu dabka qasaaraha badan u geystay ka hadlay ayaa wuxuu ammaanay maamulka gobolka iyo shaqaalaha ku howlan baadi goobka dadka la la’yahay.

Wuxuuna Trump intaa ku daray “iney cidna ku fikirin iney sidan wax u dhacayaan, waana wax laga naxo waxaanna ku dadaaleynaa dadka ay masiibada ku habsatay sidi aan u caawin lahayn”.

“Waxaanna rajeeynayaa ayuu yiri masiibo noocani iney markale na soo marin, maadaamaa uu dabkan uu yahay kii ugu qasaaraha badnaa ee abid na soo mara”.

Dab kan la mid ah oo ka dhacay Los Angeles oo ay seddex qof ku dhinteen waxaa lagu guuleystay in mudda gaaban lagu xakameeyo.

Toddobaadka soo socdana waxaa la saadaaliyey ayuu yiri roobab xooggan iney ka di’i karaan deegaannada uu dabku ku dhuftay marka maadaamaa ay daadad ka dhalan karaan waa in taxaddar weyn la sameeyaa maadaamaa ay dhirta inteeda badneyd ay gubatay.

Howlaha gurmadka waxaa ka qayb qaadan hayo ciidamo tira badan oo shaqaalaha gurmadka ka barbar shaqeeynaya.

Dadka dabka ku dhintay oo ay tiradoodu mareyso 71 qof ayaa waxaa Jimcihi seddex qof oo kale oo meyd ah oo dabka ku gubtay laga soo saaray dhismayaal ku gubtay magaalada Paradise.

dadka marka hore la sheegay in la la’yahay oo lagu sheegay 631 qof 24 saac gudaheed waxay tirada dadka la la’yahay gaartay 1,011.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media