Madaxweyne Trump iyo Ra’isul-wasaaraha Pakistan oo ku kulmi doona Washington

Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa lagu xaqiijiyey inuu Madaxweyne Donald Trump  la kulmi doono Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Imraan Khaan  bishan July 22-da, isla markaana ay ka wada hadli doonaan xoojinta Iskaashiga u dhexeeya labada dal iyo sidii Nabad iyo Deganaansho looga dhalin lahaa Gobalka.

Afhayeenka Xafiiska Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan, Maxamed Faysal ayaa xaqiijiyey inuu Kulankaasi dhici doono, isla markaana looga hadli doono Xiriirka labada Dowladood, Gnaacsiga, Difaaca, iyo Iskaashiga xal u helista Ammaanka d lka Afganistan.

Socdaalka uu Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Imraan Khaan ku tegi doono Maraykanka ayaa ah tii ugu horreysay ee ku tago dalkaasi, tan iyo markii uu Xilkaasi qabtay sannadkii hore.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media