Madaxweyne Trump dib u bilaabay ololihiisa Doorashada

Ololoha doorashada Trump ayaa ku soo aadaya iyadoo doorashada madaxweynaha ay ka harsan tahay wax ka yer 3-todobaad, maadama doorashada ay ku jadwalaysan tahay Talaadada ugu horaysa bisha 11aad oo ku beegan 3da November.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa wuxuu ololihiisa dib uga billaabaya gobalka Florida, oo ah gobal ay ku tashanayaan Trump iyo musharaxa xisbiga dimuquraadiga Joe Biden,Trump wuxuu saddex maalmood ku jiray isbitaalka ciidamada millatariga ee Welter Red gobalka Miiraliland, halkaasoo looga daweenayay xanuunka COVID-19.

Ololaha Trump ayaa ka dhici doona garoonka diyaaradaha Sanford, halkaasoo uu kula hadli doono taageerayaashiisa,Saraakiisha hoggaaminaya ololaha Trump ayaa saxaafadda u sheegay in madaxweynaha uu immaan doono garoonka caalamiga ee Orlando Sanford marka ay saacadda tahay 7-da fiidnimo,Kulankaan ayaa la baajiyay 2-dii bishan, kaddib markii madaxweynaha uu xanuunsaday

Trump oo 74-jir ah wuxuu Axaddii sheegay inuu ka soo bogsaday xanuunka Covid19, wuxuuna intaasi raaciyay in maanta oo Isniin ah uu gaari doono

Trump wuxuu saddex maalmood ka hor la kulmay boqolaal qof oo ku sugnaa South Lawn oo ku yaalla Aqalka Cad, waana markii ugu horraysay uu ka qaybgalo kulan tan iyo markii uu shaaciyay in laga helay xanuunka  coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media