Madaxweyne Saciid Deni oo kulan la yeeshay Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa Maanta oo Axad ah kulan la qaatay Guddiga Abaaraha Puntland, hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa Caalamiga ah.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Saciid Deni iyo Guddiga gurmadka Abaaraha ayaa wxaa looga hadlay dardargelinta dedaalka loogu jiro taakulaynta dadku abaartu saamaysay iyo sidii loo gaarsiin lahaa gargaar deg deg ah.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Guddiga gurmadka ka dhageystay Warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha baahsan ee ka jira deegaano ka tirsan Maamulka iyo gurmadka socda ee loo sameeynayo dadkaas dhibaatada abaarta heysata.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maalmo kahor booqday  qaar ka mid ah deegaannada Abaartu saameysay ee Gobolka Nugaal, wuxuuna u kuurgalay xaaladda nololeed ee dadka reer guuraaga ah iyo kuwa Abaartu kusoo xeeraysay magaalooyinka.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer ugu kuurgalay oo xaalad wareystay dadka Abaartu saameysay ee ku nool deegaanada Xamur, Caano-Yaskax iyo deegannada hoos yimaada oo ka tirsan Gobolka Nugaal, wuxuuna la wadaagay Bulshada uu la kulmay in Dowladdu diyaar u tahay in ay Bulshadeeda la qeybsato wakhtiga adag.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor