Madaxweyne Saciid Deni oo ka hadlay geeridii Xildhibaan Maxamed Faarax Mire

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa tacsi u diray qoyskii,qaraabadii iyo dhammaan reer Puntland ee uu ka baxay Maxamed Faarax Mire,isla markaana waxa uu Alle uga baryay in uu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo.

Allaha u Naxariistee Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa gelinkii dambe ee galabta ku geeriyooday Shil gaari oo ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Waaciye,kadib markii ay isku dhaceen Gaari uu watay Marxuumka iyo gaari kale oo ah nooca  xamuulka qaada,xili uu ku sii jeeday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Maxamed Faarax Mire ayaa waxaa laga soo doortay deegaanada Gobolka Bari.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media