Madaxweyne Ruto oo shaaciyey inuu la shaqeynayo Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay in ay horay usoo wada shaqeeyeen Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xilligii uu isaga Madaxweyne ku-xigeenka ka ahaa dalka Kenya.

Madaxweyne William Ruto oo wareysi siiyay Telefeshinka CNN ayaa tilmaamay in isaga oo kaashanaya Beesha Caalamka uu Madaxweyne Xasan kala shaqeyn doono sidii loo xallin lahaa dhibaatada ka jirta dalka, ayna Soomaaliya u hanan laheyd ammaankeeda.

“Waxaan ku rajo weynahay inaan la shaqeyno isaga iyo beesha caalamka si aan u xalino caqabadaha ka jira Soomaaliya, si aan suurta-gal uga dhigno in Soomaaliya ay iyadu wax ka qabato walaacyadeeda amni,” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha dalka Kenya ayaa waxaa uu xaaladda Soomaaliya ku qeexay mid cakiran oo ay adag tahay in la bixiyo, sida uu hadalka u dhigay, balse rajo ka muujiyey inay wada shaqeyn karaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ruto ayaa la doortay 9-kii  bishii lasoo dhaafay ee August, waxaana Maxkamadda Sare ee Kenya ay natiijada doorashadiisa aqbashay Isniintii todobaadkaan, kadib ku dhowaad muddo bil ah oo uu horyaallay kiis uu natiijada doorashada kaga horyimid Raila Odinga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor