Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta uu sabti ah uu booqasho ku gaaro deegaanka Xeeraale ee Gobolka Galgaduud.
Ujeedka Safarka Qoorqoor ee Xeeraale ayaa waxaa uu yahay sidii loo loo dhameystiri lahaa heshiiskii kal hore uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kala dhex dhigay Odayaasha dhaqan deegaanada Xeraale iyo Huurshe.
Sidoo kale inta uu Qooroor ku sugan yahay Xeeraale ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas ku dhaqan, isagoo kala hadli doona xaaladda guud ee deegaanka iyo Arrimo kale.
Deegaanka Xeeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Qoorqoor iyo wafdi uu hofgaaminayo oo halkaas ku wajahan.
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa uu booqan doonaa deegaano dhowr ah oo ku yaalla Waqooyiga Galgaduud, isagoo halkaas kula kumi doona Bulshada ku dhaqan.