Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlay Dagaalka looga dhawaaqay deegaanada Maamulkiisa

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ay ku dhawaaqeen dadka deegaanada Galmudug.

Madaxweyne Axmed Qoorqoor oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay inuu boggaadinayo bulshada reer Galmudug sida ay ugu dhawaaqeen dagaalka ka dhanka ah  Al-shabaab, oo qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud ka dhacay.

Wuxuu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ka rajeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya inay garab istaagi doonto dadka deegaanada Maamulka ee dagaalka ku jira Al-shabaab.

Dhanka kale, Wasiirka arrimaha gudaha, dowladda Federaalka Axmed Macalin ayaa sheegay in dowladda ay la diyaar tahay tallaabooyinka lagu taageerayo dadka Galmudug ee ku dhawaaqay dagaalka dib u xorreeynta deegaanada ka maqan Maamulka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa u yimid Muqdisho qeyb galka Shirka Wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalk iyo maamul Goboleedyada, kaas oo looga arrinsanayo arrimmo dhowr ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor