Madaxweyne Qoorqoor oo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Mudug

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Galmudug, isagoo Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolkaas Mudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Qoorqoor ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug ee Galmudug loogu magacaabay inuu noqdo Axmed Xuseen Shire (Bukhaari),  oo bedelaya Guddoomiyihii isaga ka horreeyey.

Madaxweynaha Galmudug ayaa faray dhammaan hay’addaha kala duwan ee Maamulka inay la shaqeeyaan Guddoomiyaha cusub, si uu u guto waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, waxaana sidaas lagu caddeeyay Wareegtada magacaabista.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor