Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si adag uga jawaabay dhaliilaha kaga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku boorriyey inay qaataan siyaasad mas’uuliyadi ku dheehan tahay oo gacan ka geysan karta kobcinta nidaamka dimuqraadiyadda ee Galmudug.
Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in tabashooyinka aan sal iyo raad lahayn aysan wax horumar ah u horseedeyn bulshada, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta dhaleeceynaya maamulka in ay tallaabo siyaasadeed qaadaan oo shacabka la horkeeno barnaamij cad.
“Haddii aad tabasho leedahay, xisbi siyaasadeed furto. Dadkiina u sheeg waxa aad qaban karto. Tabasho joogto ah iyo ‘looma dhama’ waa wax dadka dib u dhigaya,” ayuu yiri madaxweynaha.
Wuxuu si cad u sheegay in aanay jiri doonin fursad lagu sii cuni karo cabashooyin aan sal lahayn, xilli dalka uu u socdo doorasho qof iyo cod ah. “Waa la i boobay, kursi ayaa hebel loo xiray — waa hadallo dhamaaday. Waxaan u soconnaa doorasho qof iyo cod ah, waana waqtigii la gelin lahaa tartan furan oo hufan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Madaxweynaha ayaa xusay in Galmudug ay ku socoto waddada horumarka iyo xasilloonida siyaasadeed, taasoo aan la heli karin haddii lagu sii jiro hadallo ku saleysan eedeymo hore iyo qabiil siyaasadeed.
Ugu dambeyn, Qoor Qoor ayaa ku dhiirrigeliyay siyaasiyiinta mucaaradka in ay tartamaan iyagoo wata waxqabad iyo qorshayaal cad oo shacabka wax taraya. “Waqtigu waa mid horay u socda. Bulshadu waxay u baahan tahay waxqabad, ma ahan muran iyo hadallo been ah,” ayuu yiri.