Madaxweyne Putin oo ku dhawaaqay Go’aan kasii careysiiyey Dowladda Ukraine

Madaxweyne Viladmir Putin ayaa wuxuu maanta si rasmi ah uu ugu dhawaaqay afar gobol oo dalka Ukraine dagaal uga qabsaday inuu dalkiisa ku darsaday.

Arrintan oo daba socotay afti dadweyne uu Ruushka ka qaaday shacabka ku nool qaybo ka mid ah gobollada Luhansk, Dontesk, Kherson iyo Zaporizhzhia.

Kyiv dhankeeda waxay sheegtay dhulka uu Ruushka dalkiisu ku darsaday ay ka hari doonin oo ay dib u xoreyneyso.

Tallaabbada ay Moscow qaaddayna waxaa si weyn u cambaareeyey beesha caalamka oo ku tilmaamntay mid baalmarsan shuruucda caalamiga ah.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine u dhaxeeya oo socda in ka badan 10 bilood ayaa la rumeysan yahay kumannaan iney ku dhinteen malaayiinna ay ku barakaceen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor