Madaxweyne Biixi oo Amar adeg siiyay Ciidamada Milateriga Somaliland

Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Maleeshiyo beeleed hubeysan oo dagaal xoogan uu ku dhexmaray deegaanka Ceelka dhabar-dalool ee ku yaalla Waqooyi barri ee Gobolka Sool dhinaca Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maleeshiyaadka dagaalamay ugu baaqay inay si deg deg ah u joojiyaan Colaada, isla markaana xiligaan aan loo baahneyn in dhiig la daadiyo, isagoona farriin u diray Waxgaradka deegaanka iyo Ciidanka Milateriga Maamulka.

Biixi ayaa Waxgaradka iyo Culimada labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso faray inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, ayna dhex galaan maleeshiyaadka, si loo joojiyo khasaaraha uu sababay dagaalka halkaas ka dhacay.

Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland ayaa Ciidamada Milateriga, Maamulka Gobolka Sool iyo hay’adaha kala duwan ee amniga ku amray inay tallaabo adeg ka qaadaan Colaadaasi soo noq-noqotay iyo cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal Maleeshiyo beeleed hubeysan ku dhexmaray deegaanka Ceelka dhabar-dalool ee Gobolka Sool dhinaca Somaliland, kaasi oo salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor