Madaxweyne Maamul Goboleed oo soo gaaray Muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa

Wafdigaan uu Hoggaaminayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan oo ay qeyb ka ahaayeen Masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi, ayaa maanta soo gaaray Magaaladda Muqdisho, waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey Xubno ka Tirsan Labada Gole Dawladda Federaalka Soomaliya.

Ujeedka Imaanshaha Wafdigaan ee Muqdisho ayaa ah ka qeyb galka Shirka Madasha Wada-tashiga Soomaaliya,kaasi oo lagu Casuumay 40 Dowladood oo ka Qeyb gali Doona Shirka oo Maalmo ka socon doono Muqdisho.

Shirka ayaa Maalmaha uu Socdo Waxaa looga hadli Doono Qodobo ay kamid yihiin Amniga, Dhaqaalaha, Siyaasada, Dib u dhiska Dalka, Kordhinta Taageerada Caalamka ee Soomaaliya iyo Qodobo kale.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed Ibraahim Abdiqaadir Mohamed Baffo ayaa kulan kula Qaatay Hoolka Nasiinada Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Safiirka Dawladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Kulankaas ayaana looga hadlay arrimo dhowr ah oo Quseeya Xaaladda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media