HomeWararMadaxweyne Lafta-gareen oo shaaciyay Ujeedka Safarkiisa Muqdisho

Madaxweyne Lafta-gareen oo shaaciyay Ujeedka Safarkiisa Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Ujeedka Safarkiisa Maanta uu ku yimid Magaalada Muqdisho, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay. Madaxweyne Lafta-gareen oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka Caasimadda dalka uu u yimid ay tahay Arrimo kala duwan oo kala ah wadashi iyo xaaladda ka jirta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Ujeedka Safarkiisa Maanta uu ku yimid Magaalada Muqdisho, iyadoona siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Lafta-gareen oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ujeedka Caasimadda dalka uu u yimid ay tahay Arrimo kala duwan oo kala ah wadashi iyo xaaladda ka jirta degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose uu webiga ku fatahay.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed inta uu ku sugan yahay Muqdisho uu kulamo kala duwan oo wadatashi ah la qaadan doono Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle oo ku sugan Caasimadda.

Dhinaca kale Lafta-gareen ayaa ka hadlay saameynta fatahaada Webiga Shabeelle uu ku yeeshay qoysaska Danyarta ah ee deganaa Degmooyinka Afgooye, Qoryooley iyo Wanla-weyn ee Shababeellaha Hoose, kuwaasi oo ka barakacay fatahaada Webiga.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Lafta-gareen in uu booqan doono deegaanada uu saameeyay fatahaada webiga, wuxuuna tilmaamay inay u kuur-geli doonaan xaaladda ka jirta halkaas.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka, Hay’addaha Gargaarka iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynaha Koonfur Galbeed ugu baaqay inay Gurmad deg deg ah u fidiyaan shacabka uu Gobolka Shabeellaha Hoose ku sameeyay Webiga Shabeelle.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts