Madaxweyne Lafta-gareen oo soo saaray Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa soo saaray Liiska Musharaxiinta u tartameysa Kuraasta Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Musharaxiinta Shan kursi oo ka mid ah sideeda kursi ee Aqalka Sare ee laga soo doorto Koofur Galbeed ayuu Madaxweyne Cabdicaiis Lafta-gareen u gudbiyay Guddiga hirgelinta doorashooyinka Maamulkaas.

Musharaxiinta lasoo gudbiyay ayaa gaaraya 10 Musharax oo afar ka mid ah ay Haween yihiin, isla markaana ku tartami doona Kuraasta Aqalka Sare, waxaana ku jiray Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha Aadan Cabdinaasir.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shalay Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ka dalbaday inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta, si loo qabto doorashada Aqalka Sare.

Hoos ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta lasoo gudbiyay

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor