Madaxweyne Lafta-gareen oo Guddi baaris u magacaabay dilka Carruurtii

Madaxweyaha dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Guddi KMG ah oo baaris u magacaabay dilkii duleedka Magaalada Baydhabo loogu geystay Carruurtii walaalaha ahaa.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa lagu magacaabay Guddigaan oo ka kooban 9-xubnood, kuwaasi baaritaan dhab ah ka keeni doona kiiska Carruurtii la dilay 7 bishii April ee sanadkan 2021.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Guddiga faray inay si dhaqsi ah u bilaaban howshooda, isla markaana natiijo dhab ah keenaan, si sharciga loo marsiiyo dadkii ka dambeeyay dilka Carruurta.

Taliska Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maalmo kahor warbaabhinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kiiska Carruurta loo haayo 6 ruux, isla markaana hal qof oo kamid ah uu kiiska ku cad yahay.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga la magacaabay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor