Madaxweyne Lafta-gareen oo gaaray Magaalada Baydhaba

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxmed Lafta-gareen ayaa gaaray Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka u ah Maamulkaasi.

Safarka Madaxweyne Lafta Gareen ayaa ah mid gaaban oo labo cisho qaadan doona, waxaana Baydhabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkaasi Koonfur Galbeed.

Lafta-gareen ayaa dib ugu soo laaban doona Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaalliya.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan dhammaan Madaxweynayasha Maamul Goboleedyada dalka, waxaana la filayaa in dib mar kale ay isugu soo laabtaan, waxaana socda dadaalo la doonayo in dib loo amba-qaado shirkiifashilmay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor