Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo laga helay Cudurka CORONAVIRUS

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Seylici ayaa laga helay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo mar labaad kusoo laba  kacleeyay deegaanada Somaliland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo saaray Madaxweyne Cabdiraxmaan Seylici ayaa waxaa uu ku xaqiijiyay in laga helay Cudurka COVID-19, kadib markii lagu sameeyay baaritaano kala duwan, kadibna la ogaaday inuu haleeyay Cudurka.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa sheegay in xaaladda Caafimaad ay wanaagsan tahay, isla markaana uu ku jiro karantiil, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ay raacaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa horey looga helay Cudurka COVID-19 oo ku dhacay, waxaana ugu dambeeyay Wasiirka Horumarinta Maaliyada Somaliland oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Cudurka COVID-19 oo dunida dhibaato ba’an ku haya ayaa maalmahana dambe ku soo laba kacleeyay qaar ka mid ah degaannada Soomaalida, waxaana la sheegayaa in dadka shacabka ah aaney intooda badan raacin tallooyinka Caafimaad ee loo jeedinayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor