Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Magacaabay Guddi Gurmad ah 

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku simaha Madaxweynaha Mudane  Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah, kuwaasi oo qayb ka noqonaya Gurmadka Gobolka Gardafuu.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda bini’aadamtinimo ee ka jirta gobolka Gardafuu, taasi oo saamayn ku yeelatay nolosha shacabka ku dhaqan deegaanada gobolkaasi ayaa waxa uu magacaabay Guddi madaxbanaan oo Culimo ah oo qayb ka noqonaya gurmadka loo fidinaayo shacabka gobolkaasi.

Guddiga oo ka kooban lix xubnood ayaa kala ah sidan:-

1.Shiikh Fu’aad Maxamed Xaaji Nuur Guddoomiye.

2 .Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf Guddoomiye Ku-xigeen

3.Shiikh Daahir Aw Cabdi Xubin.

4.Shiikh Maxamed Macalin Axmed Xubin.

5.Shiikh Cismaan Maxamuud Xaaji Dirir Xubin.

6.Shiikh Maxamed Cabdullaahi Cabdalle Xoghayn.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media