Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Magacaabay Guddi Cusub kana soo horjeestay Guddigii…

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa Goordhow Magacaabay Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland.

Magacaabistaan ayaa ka dambeysay kadib markii Maanta Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas uu Magacaabay Guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka Golaha Wakiilada.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo musharixiinta Madaxweynaha Puntland ayaa waxa ay ka soo horjeesteen Guddigii uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland.

Guddigaan uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa ka kooban 8 Xubnood,waxana taani ay keeneysaa khilaaf Cusub oo soo kala dhex galay Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor