HomeCaalamkaMadaxweyne-ku-xigeenka Kenya oo loo diiday inuu u safro Uganda

Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya oo loo diiday inuu u safro Uganda

Date:

Related stories

Istanbul: Soomaaliya oo qayb ka ahayd gaba-gabadii Shirka Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa hoggaaminayay wafdi matalayay Soomaaliya oo ka qayb galay shirweynihii 152-aad ee IPU oo ka dhacay Turkiga.

Halkee laga qodayaa ceelka labaad ee shidaalka Soomaaliya

Wararkii ugu dambeeyay ee sahminta shidaalka Soomaaliya ayaa muujinaya in ceelka Holhol uu noqon karo halka xigta ee dalku ka soo saaro shidaalka.

M.Cali Guudlaawe oo ku dhowaaqay jihada doorashada Hirshabeelle: “Doorasho waa qof iyo cod

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa shir-guddoomiyey kulan degdeg ah oo looga hadlay doorashooyinka iyo khatarta fatahaadaha.

Xil-wareejin ka dhacday Muqdisho: Wasiir Fiqi oo farriin culus u diray madaxda wasaaradda

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay xoghayihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo xoghayaha cusub. Maqaalkan ka akhriso nuxurka dardaarkii wasiirka,

William Ruto oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka dalka Kenya waxaa shalay oo Isniin ahayd laga hor-joogsaday inuu u socdaalo dalka Uganda, sida uu sheegay Xoghayihiisa Isgaarsiinta, David Mugonyi.

William Ruto oo Socdaal Khaas ah ugu ambabixi lahaa magaallallada Entebbe ee Uganda waxa uu muddo 5 saacadood ah ku xayirnaa Garoonka Diyaaradaha ee Wilson Airport ee magalladda Nairobi, sababo lagu sheegay inuusan soo marin Nidaamka Socdaalka ee Dowladda Kenya oo dhigaya inuu Mas’uul kasta uu Fasax ka qaato Aqalka Dowladda ka hor Safarkooda Dibedda.

Dhinaca kale, Qoraal uu Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya soo dhigay Bartiisa Twitterka waxa uu ka fal-celiyey Safarka laga joojiyey, halka Xoghayihiisa Isgaarsiinta, David Mugonyi uu La-yaab ku tilmaamay Xayiraadaasi,isagoo xusay inaysan arrintaasi marnaba dhicin 9-kii sano ee u dambeeyey.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Uganda, Yoweri Musdeveni waxa uu casuumaad u fidiyey Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, xilli la dhagax-dhigayey Xaruun soo saarta Tallaalka oo laga dhisayey Deegaanka Matuga ee Degmadda Wakiso oo ku taalla Bartamaha dalkaasi.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories