Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo gaaray Magaalada Garoowe

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland, iyadoona halkaas lagu soo dhaweeyay.

Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland kusoo dhaweeyay, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cismaan Karaash, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Inta uu joogo Garoowe, Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, iyagoon ka wada hadli doona Arrimo qorsheysan.

Warar la helayo ayaa sheegaya in socdaalka Maxamuud Sayyid Aadan ee Puntland uu la xiriiro Arrimo ku aadan doorashada dalka ka dhaceysa gaar ahaan tan Golaha Shacabka oo ka bilaabatay laba maamul Goboleed.

Dhawaan ayey markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed uu muddo todobaad ah ku sugnaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, isagoona kulamo ku saabsan doorashada la yeeshay dhiggiisa Saciid Cabdullaahi Deni.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor