Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo Xildhibaano oo tagay Degmada Maxaas

Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa Maanta gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, waxaana safarkiisa ku wehlinaayay Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale

Xildhibaanno kamid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo kala ah Xildhibaan Sanbaloolshe, Xildhibaan Jacfar iyo saraakiil ciidaan ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ee gaaray Maxaaas.

Ujeedka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed ee Maxaas ayaa waxaa lagu sheegay inuu yahay dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee Ciidanka dowladda iyo kuwa macwiisleyda  ka wadaan Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgalo ka bilaabi doonaan doonaan deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Maxaas, Ceelbuur, Moqokori illa Aadan-Yabaal ee Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan.

Si kastaba muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan ka dhacaayay dagaalo xooggan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab, dagaalada ayaana geystay khasaaro lixaad leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor