Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la leh Wafdi ka socda Qaramada Midoobey

Wefdigan maanta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug oo ka socday hey’adda horumarinta barnaamijyada Qaramada midoobay ee UNDP ayaa waxaa madaxtooyada Galmudug kulan kula yeesheen madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle,ayaa sheegay in u jeedada wefdigan ay tahay sidii qiimeyn ugu sameyn lahaayeen saameynta abaarta ku dhufatay deegaanada Galmudug iyo sidii maamulka ugu gacansiin lahaayeen barnaamijyada horumarinta.

“Wefdigan waxaa ay u kuurgalayaan xaaladaha abaaraha, caafimaadka iyo arimaha horumarinta deegaanada Galmudug, sida aad la socotaan Galmudug waxaa ku dhufatay abaar xoogan.. hey’addaha iyo dowladuba waxaa ay la tacaaleyaan sidii dadka loogu gurman lahaa,” ayuu yiri agaasimaha.

Maxamuud Cismaan, agaasimaha warfaafinta madaxtooyada, Galmudug ayaa sidoo kale, sheegay saraakiishan ka socotay hey’adda Qaramada midoobay ee UNDP uu qeyb ka yahay qorshaha loogu gurmanayo dadka abaartu saameysay ee deegaanada Galmudug ku nool.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media