Madaxweyne Joe Biden oo Cambaareyay rabshadaha ka dhanka ah Bulshada

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyay kororka rabshadaha ka dhanka ah bulshada Aasiya ee ku nool Mareykanka, isagoo ku baaqay in la qaado tallaabo degdeg ah oo looga hortagayo rabshadaha la xiriira midab takoorka.

Hadalkan ayaa yimid  intii lagu guda jiray khudbad uu Biden ka jeediyay Jaamacadda Emory ee Atlanta Georgia, halkaas oo maalmahii ugu danbeeyay ay ka dhaceen toogashada 8 qof, oo ay ku jiraan 6 haween ah oo asal ahaan ka soo jeeda  Qaarada Aasiya.

Biden wuxuu ku booriyay dadka Mareykanka inay la dagaallamaan waxa uu ugu yeeray  soo noolaanshaha Ajaanib nacaybka, isaga oo xusay in ay waajib tahay in dadka Ameerikaanka ah ee  asal ahaan ka soo jeedo Aasiya  iyo muwaadiniinta Mareykanka ay is walaashadaan.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu carrabka ku adkeeyay in xulashada ereyada ay muhiim tahay, si loo ilaaliyo niyada dadka ajaanibta ah ee ku nool waddanka.

Afhayeenka u hadlay Madaxweeyne Biden, ayaa sheegay in hadafka uu yahay in la fahmo saameynta weeraradan iyo dhacdooyinkan ku saleeysan cunsuriyada ay ku yeelan karaan bulshada Aasiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor