HomeCaalamkaMadaxweyne Jacob Zuma oo isku dhiibay booliska South Africa

Madaxweyne Jacob Zuma oo isku dhiibay booliska South Africa

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Madaxweynihii hore ee South Africa Jacob Zuma ayaa isku dhiibay booliska Arbacadii, si ay ugu billaabto 15 bilood oo xabsi ah, taas oo uu ku muteystay amardiido uu ku sameeyay maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas. Afhayeenka booliksa Lirandzu Themba ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Zuma uu ku jiro gacanta booliska. Maxkamadda ayaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee South Africa Jacob Zuma ayaa isku dhiibay booliska Arbacadii, si ay ugu billaabto 15 bilood oo xabsi ah, taas oo uu ku muteystay amardiido uu ku sameeyay maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas.

Afhayeenka booliksa Lirandzu Themba ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in Zuma uu ku jiro gacanta booliska.

- Advertisement -

Maxkamadda ayaa Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xabsi ah toddobaadkii la soo dhaafay, kaddib markii uu diiday amarkii horraantii bishii Febraayo, kaas oo ahaa inuu horyimaado maxkamadda si loo tusiyo caddeymo la xiriira baaritaanka musuqmaasuqa sagaalkii sano ee uu xukunka hayay. Baaritaanka waxaa hoggaaminaya ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud Raymond Zondo.

Waaxda Ciidamada Asluubta ayaa iyana bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Zuma la geeyay Xarunta Asluubta ee Estcourt oo qiyaastii 175 kilo mitir u jirta tuulada uu deggan yahay ee Nkandla ee bariga South Afrika. Telefishanka dalkaas ayaa si toos ah u baahiyay muuqaalo muujinaya garigii uu saarnaa oo gelaya xarunta.

Booliska ayaa la amray inay soo xiraan ugu dambeyn Arbacada haddii uu soo xaadiri waayo saldhig boolis kan ugu dhow, laakiin wuxuu ugu dambeyn Zuma oo 79-jir ah go’aansaday inuu is dhiibo.

- Advertisement -

Boqolaal ka mid ah taageerayaashiisa oo qaarkood ay ku hubeysnaayeen qoryo, waranno iyo gaashaan ayaa isugu soo baxay meel u dhow gurigiisa, si ay isugu dayaan inay ka hortagaan xarrigiisa.

Zuma ayaa waxbakama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo heysto ee jiritaanka musuqmaasuq baahsan intii uu ahaa madaxweynaha, wuxuuna Axaddii soo saaray qoraal diidmo ah, isagoo eedeyn kulul u jeediyay garsoorayaasha, isla markaana bilaabay is hortaag dhanka sharciga ah oo la xiriirta xarigiisa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts