Madaxweyne Guudlaawe oo hadal u jeediyay macwiisleyd loo diyaariyey Dagaalka AS

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa booqday deegaanada Geyfo, Bakajeex, Qoordheere  iyo Warciise oo dhowaan Ciidanka dowladda iyo kuw macwiisleyda ay ka qabsadeen Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeeray dhamaan deegaanada laga xureeyay Al-shabaab, isagoo halkaas kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan iyo qeybaha kala duwan ee Saraakiisha Ciidamada.

Guudlaawe ayaa waxaa uu Ciidamada uu la kulmay kala hadlay muhiimada howlgalada socda Gobolka Shabeellaha Dhexe, adkeynta amniga deegaannada la xureeyay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay la-dagaalanka Al-shabaab.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la hadlay boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ah oo usoo qalab qaatay ka qeybgalka howlgalada baahsan ee socda, waxa uuna ku bogaadiyay yididiilada ka muuqata iyo sida ay uga go’an tahay inay Gobolkaan nabad noqdo.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Hirshabeelle inay u soo hub qaataan halganka la isaga xureynayo Al-shabaab ee ka socda guud ahaan dalka, waa sida uu hadalka u dhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor