Madaxweyne Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Daba-geed oo ku biiray howlgalada ka socda Hiiraan

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ku sugan degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ku biiray howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee halkaas ka socda.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Daba-geed ay ku biireen hoggaaminta howlgalka maalmihii lasoo dhaafay ka socday degaano hoostega Maxaas iyo Matabaan.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in howlgaladaan ay socon doonaan ilaa Al-shabaab laga saarayo deegaanada ay Gobolka Hiiraan kaga sugan yihiin, waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan oo meel uga soo wada jeestaan la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo dagmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan waxaa qiimeyn lagu sameyn doonaa baaxada abaaraha ee ka jira degmada iyo sidii loogu gurman lahaa dadka ugu daran ee ay saameysay abaarta.

About Webmaster

View all posts by Webmaster