Madaxweyne Gaas oo Maanta soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa jimcihii Maanta Muqdisho soo gaaray

Madaxweyne  gaas ayaa muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo lagu wado in maalinta sabtida uu ka furmo Muqdisho

Madaxweynaha Puntland ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Suxufiyiinta Muqdisho u sheegay in ujeedka socdaalkiisa la xiriiro Shirka Madasha qaran oo Hogaamiyaasha Madasha ay Mar kale kaga arinsanayaan arimaha Geedi Socodka Doorashooyinka

9-bishan ayaa warmurtiyeedkii kasoo baxay Shirka Madasha Waxaa lagu xusay in 13-bishan kulan kale yeeshaan Hogaamiyaasha Madasha balse dibu dhac ayaa ku yimid kulakaasi

Waxaana kulan barito Madashu ay xooga ku saari doontaa arimaha Aqalka sare ee Gobolada Waqooyi.

Halkaan Ka dhageyso Madaxweyne Gaas:

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor