Madaxweyne Gaas oo Maanta ku dhawaaqay in uu yahay musharax Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa sii dhamaaneyso ee Dowlad goboleedka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tagaan qabashada xilka Madaxweynaha Puntland.

Munaasabad loogu qabtay Magalada Garoowe ayuu Maanta ku shaaciyay in markale uu yahay musharax Madaxweynaha Puntland,waxana uu sidoo kale soo bandhigay waxyaabaha u qabsoomay intii uu xilka haayay.

C/Weli Gaas ayaa Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland waxa uu qabtay 8 bishii Koowaad ee Sanadkii 2014,waxa uuna Xilkaasi hayaa Mudo 5 sano ah.

Cabduweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa ku biiraya In ka badan 30 Musharax oo u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha Maamulka Puntland, doorashada la filayo inay dhacdo 8 Bisha 1aad ee Sanadka 2019.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor