Madaxweyne Farmaajo oo war kasoo saaray geerida Majaajiliiste Sooraan

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Maxamed cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geeida ku timid Alle ha u naxariistee Abwaan Sooraan Ismaaciil Sugule oo Cudurka COVID-19 ugu geeriyooday Magaalada Burco.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu sheegay in Marxuum Sooraan Ismaaciil uu kamid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Abwaan Ibraahim Ismaaciil Sugulle (Sooraan) oo ku geeriyoodey magaalada Burco.
Abwaanku Alle ha u naxariistee, waxa uu ka mid ahaa haldoorka bulshada Soomaaliyeed ee dadaalka ku bixiyey wacyi-gelinta bulshada iyo kobcinta garaadka da’yarta Somaaliyeed, isagoo waqtigiisii iyo hibadiisii faneed u huray sidii uu dadkeenna uga wacyi gelin lahaa dhibaatooyinka qabyaaladda, musuqmaasuqa, cooladaha sokeeye, adeegsiga maandooriyaha iyo xaalufinta deegaanka. Alle waxaan u weydiinayaa Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo imaanna uu ka siiyo qoyskiisa, bahda fanka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor