Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray dhul-gaririirkii ka dhacay Turkiga

Ugu yaraan 12 ruux ayaa geeriyootay 522-qof oo kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii dhul gaririir cabirkiisu yahay 6.6 oo shalay Jimco aheyd ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga.

Waaxda Gurmadka Deg-dega ah ayaa soo badbaadiyay in ka badan 70 qof oo ku hoos jiray dhimayaashii soo dumay, waxaana weli la wadaa howlgal ballaaran oo lagu baadi goobayo dad la la’yahay oo loo maleynayo inay dhulka ku hoos jiraan.

Madaxweyneynayaal ayaa ka hadlay dhul gaririirka gelinkii dambe ee shalay ku dhuftay Gobolka Izmir ee dalka Turkiga, iyagoona qaarkood gurmad kala duwan u balan qaaday Turkiga.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Qoraal soo dhigay bartiiska Twitter-ka ayuu uga hadlay dhul-gariirkii sababay dhimashada iyo dhaawac ee ka dhacay Gobol ka tirsan Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Turkiga iyo dowladiisa uga tacsiyeeyay dadkii ku naf-waayay musiibadii dhacday, isagoo kuwa ku dhaawacmay u rajeeyay Caafimaad Deg-deg ah, kuwaasi oo haatan lagu dabiibayo Xarumo Caafimaad oo kala duwan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladda ay u istaagtay sidii loogu gurman lahaa muwaadiniinta uu waxyeelada u geystay dhul giriirka ka dhacay Gobolka Izmir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media