Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay dhigiisa dalka Nigeria

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu bartiis Twitter-ka ugu hambalyeeyey dhigiisa dalka Nigeria, Maxamadu Buhaari, oo mar kale dib loogu doortay Xilkaasi.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay inuu dalka Nigeeria yahay Isbahaysi Taariikhi oo xooggan, isla markaana doonayaan inuu sii xoogeysto Xiriirkaasi.

Qoraalka uu Madaxweyne Farmaajo soo dhigay Twitter-kiisa waxa uu  mar kale ugu hambalyeeyey Madaxweyne Buhaari, wuxuuna sheegay inuu rajeynayo  inay wada-shaqeyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media