Waxaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomalaiya ee ku yaalla Gudaha Xarunta Villa Somalia ka socda Shirka Khamiislaha ee Golaha wasiirada oo Maanta ka duwan kulamadii hore.
Shirka ayaa waxaa Goobjoog ka ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Xubnaha Golaha Wasiirada.
Kulanka Golaha wasiirada ayaa waxaa Maanta oo Khamiis ah diirada lagu saarayaa Barnaamijka tubta loo dhan yahay,iyada oo goobta lagu soo bandhigayo waxyaabihii u qabsoomay Xukuumadda Soomaaliya.