Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in Maamulkiisa ka go’an tahay Dhowrista Xorriyadda Hadalka

Iyadoo maanta loo dabaal degayo Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka, ayuu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u diray Suxufiyiinta Caalamka, gaar ahaan Suxufiyiinta Soomaalida.

Qoral uu Madaxweynuhu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Bogaadin badan u dirayaan Warbahinta Soomaalida, iyadoo ay maanta ku asteysan tahay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Caalamka (World Press Freedom Day.).

“Waxaad muujiseen Adkeysi iyo Ballanqaad ku adaan Hawshiina, xitaa aad ku hoos shaqeysaan Xaalladda Adag” ayuu Madaxweyne Framaajo ku yiri Bartiisa Twitter-ka.

Ugu dambeyntii, waxa uu Madaxweynaha DFS sheegay in Maamulkiisa ka go’an tahay Badbaadinta Xorriyadda Hadalka, oo ah Xuquuq ku dhowrsan Axdi-qarameedkeemma KMG ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media