Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharciga dhismaha la-dagaalanka Musuq-maasuqa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa kadib Munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Qaranka.

Munaasabadda ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Qaranka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan laba Golle ee Baarlamaanka,Agaasimeyaasha Madaxtooyadda iyo Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta dowladda.

Sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa horey waxaa u soo ansixyay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda uu ku saxiixayay sharciga dhismaha guddiga ayaa waxaa uu sheegay in Musuqa uu ka daran yahay Cudurka Kansarka ,isla markaana uu la dega dalalka soo koraya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa shaaciyay inuu magacaabo Guddi lagu kalsoonaan karo ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media