Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay waxaa uu magacaabay ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ku-Xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka loogu magacaabay in uu noqdo Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim Yuusuf.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxa uu Eebe uga baryay Mudane Cabdullaahi Sheekh inuu u fududeeyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.