Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Agaasime Cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Agaasimaha Cusub ee Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xilka Agaasimaha Hab-maamuuska Madaxtooyada Qaranka loogu magacaabay inuu noqdo Yuusuf Xasan Salan.

Mudane Yuusuf waxa uu hore u ahaa Agaasime ku xigeenka Hab-maamuuska Madaxtooyada, taas oo dhaxalsiisay in uu kasbado khibrad shaqo oo xoog leh.

Comments
Loading...