HomeWararMadaxweyne Farmaajo oo la sheegay in culeys uu kala kulmayo Musharaxiintii kula...

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in culeys uu kala kulmayo Musharaxiintii kula tartantay Xilka Madaxweynenimo

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxawynaha DFS ayaa la sheegay inay 6 Caqabado ku noqdeen Isbaaro Siyaasadeed, wuxuuna caqada ugu xooggan kala kulmayaa Murashixiintii uu bishii Feberaayo kaga guuleystay Xilka Hoggaaminta dalkaasi. Waxaa kaloo soo raaca caqabado horaadka soo raaca dhinaca Ammaanka oo uu  kala kulmayo Kooxaha Islaamiyiinta iyo Awoodaha Qabaa’illadda, kuwaasi oo xadiday Fulinta Maamulka oo ay wehliso Xaalladda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxawynaha DFS ayaa la sheegay inay 6 Caqabado ku noqdeen Isbaaro Siyaasadeed, wuxuuna caqada ugu xooggan kala kulmayaa Murashixiintii uu bishii Feberaayo kaga guuleystay Xilka Hoggaaminta dalkaasi.

Waxaa kaloo soo raaca caqabado horaadka soo raaca dhinaca Ammaanka oo uu  kala kulmayo Kooxaha Islaamiyiinta iyo Awoodaha Qabaa’illadda, kuwaasi oo xadiday Fulinta Maamulka oo ay wehliso Xaalladda Dhaqaalaha ee burburi kara.

- Advertisement -

Warbixin ay qortay Xarunta Cilmi-baarista ee (Mogadishu Center for Research and Studies(  ayaa lagu sheegay  in caqbadda 1-aad ee  Madaxweyne Farmaajo tahay Alshabaab oo loo arko cabsida Ammaanka Somalia iyo dalalka kale ee deriska ee Geeska Afrika.

Caqabadda 2-aad waxaa lagu xusay inay tahay Midnimadda Somalia, iyadoo Somalia ka mid tahay dalalka Carbeed ee ay soo wajaheen Burburka iyo Kala-qeybsanaanta.

Xaalladda Ammaan La’aanta iyo maqnaanshaha Doorka Dowladda Dhexe  ee isku haynta Midnimadda Federalka ee dalka.

- Advertisement -

Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland ayaa ah Dowladda keliya ee ku dhawaaqday inay ka go’day qeybaha kale ee dalka Somalia, inkastoo aysan Somaliland helin Aqoonsi Gobaleed iyo Ictiraaf Caalami ah.

Caqabadda 3-aad ee Madaxweyne Farmaajo soo wajahday ayaa ah Maamulka Qabaa’ilka, iyadoo ay Hoggaamiyaha Beelaha awood ku leeyihiin Somalia, maadaama ay iyagu  dhisaan Qeybta ugu weyn ee Siyaasadda Dowladda Somalia.

Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in Awoodaha Qabaa’ilka ku leeyihiin dhulka ka sarreyso tan ay ku leeyihiin Awoodda Fulineed ee Madaxtooyadda Villa Somalia.

Sida laga soo xigtay Warbixin lagu qoray Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa London Caaqil Beeleed kasta waxaa la siiyey laaluush dhan 5,-000 oo Dollar si ay u soo doortaan Wakkiiladooda

Baarlamnka, kadib ,markii Madaxweynihii hore ee Dfs, Xasan Sheekh Maxamudu la soo doortay.

Wakiiladaasi waxay yihiin Xildhibaanadda Barlamaanka, iyadoo  qaar ka mid ah Kuraasta Barlamaanka ee Doorashadii u dambaysay UU qiimahooda gaaray in ka badan hal million oo Dollar

Warbixinta waxay Caqabadda 4-aad eek u hor gudban Dowladda Madaxweyne Farmaajo ayaa ah Ciiddamadda, iyadoo Dowladda Somalia dhibaato kala kulmayso maqnaanshaha Ciiddan Xooggan oo awoodi kara inay dib u soo celiyaan Midnimadda iyo Ammaanka.

Warbixinta waxaa lagu xusay in Awooddii Ciiddanka Somalia aad u tabar daraysay, kuna soo nolol qaateen Dagaal-beeleedyo.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey in inta badan Ciiddamadda leeyihiin Qabaa’ilada Hawiye iyo Daarood, kuwaasi oo loolan adag ugu jira maamulista Ciiddanka DFS iyo inay xadidaan Galaangal;ka Madaxweyne Farmaajo u yeelan karo  inuu ka guuleysto Kooxaha Jihadistayaasha, waa sida hadalka loo dhigay.

Weerarkii la doonayey inay qaadaan Ciiddanka DFS waxaa bedelkooda qaada Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Warbixinta waxay Caqabadda 5-aad ku sheegtay Xaalladda Dhaqaalaha Somalia oo sannadihii la soo dhaafay ahaa mid aad u sii xumaaday, WAXAYNA Dhaqaale-xumid ka dhalatay Xisiagdaha Amni-xumida iyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee ka jira dalka.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey markii uu  Madaxweyne Farmaajo  xilka la wareegay inuu sheegay inay Dowladiisa la dagaalami doonto Falalka  Musuqa iyo Maamul-xumida ka dhex jira Hay’addaha Dowladda..

Madixii hore ee Waaxda Maareynta Maaliyadad Dowladda, C/risaaq Fartaag ayaa sheegay in in ka badan Hal BILLION oo Dollar laga waayey Khasnadda Dowladda muddadii u dhexeysay sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii.

Warbixinta waxaa ugu dambeynti ilagu muujiyey in Dhallinyarada Soomaalida ee Shaqo la’aanta haysata gaarayaan 67%, halka 73% Dadka Soomaalida ku nool yihiin nolol saboolnimo leh, iyadoo qofkiiba helo maalintiiba wax ka yar 2 Dollar.

Xigasho: http://mogadishucenter.com

 

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts