Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Qoyski Wiilkooda uu jiiray Gaarigiisa(Sawiro)

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya kula qaadatay Qoyska allha u naxariisto Marxuum Tahliil Jimcaale Hubbane oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Wafaafinta, una geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay illinka hore ee madaxtoyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa u tacsiyeeyay Qoyska Marxuumka, isagoo u muujisay sida uu uga tiiraanyeesanyaha geerida Marxuumka, dowladda Soomaaliyana ay ka garaabeyso shirka uu ku dhintay Marxuum Tahliil Jimcaale.

Madaxweynaha JFS Mudane Farmaajo wuxuu sheegay in xabsiga la dhigay darawalkii Waday Gaariga, si loo baaro in shilkaasi uu si kutalagal ah u sameeyay iyo in Kam’a uu ahaa.

“Marxuumka naxariistii Janno Alle Haka Waraabiyo, Qadar ayuu ku dhintay, Dowladda Soomaaliya Way ka garaabeysaa Geerida Marxuumka, Ehelkana waan la qeybsanayaa tiiraanyada, sida uu shilku ku dhacay baaris ayaa ku socoto waxaana idiin ballanqaadayaa in xuquuqda marxuumka aysan dowladdu meel cidlo ah kaga dhaaqiqo doonin”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Eng Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan”Yariisoow” Oo Kulanka Kadib Qabtay Shirjaraa’id Isagoo uu Garabtaaganyahay Cabdi Jimcaale Hubane oo la dhashay Marxuumka Geeriyooday ayaa ballanqaaday in ay diyaar u yihiin sidii loo ilaalin lahaa Xuquuqdii Marxuumku uu ku lahaa Dowladda Soomaaliya, Isagoo Qoyska Guddoonsiiyay Lacag Loogu Talagalay in duco loogu Sameeyo Alle ha u naxariistee Marxuum Taliil Jimcaale Hubane.

Cabdi Jimcaale Hubane oo goobta ka hadlay ayaa mahadcelin weyn u jeediyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Wuxuuna Arrin Ugub ku ah Soomaaliya ku tilmaamay sida Loo Ixtiraamay Qoyskooda, dowladda Soomaaliyana uga Garoowday Shilka uu ku geeriyooday Marxuub Tahliil Jimbaale Hubane.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor