Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan gobalka Sh/hoose

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta  ku wajahan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose,iyadoo laga dareemaayo degmada soo dhaweeynta Madaxweynaha.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa saakay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhaweeynayo Madaxweyne Farmaajo oo la lagu wado in saacadaha soo socda uu gaaro halkaasi.

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdulalahi Farmaajo ayaa marka uu gaaro Degmada Afgooye waxa uu kulamo la qaadan doonaa Mus’uuliyiinka maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo qeybaha kala duwan ee ku dhaqan Degmadaas,

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayan in Degmada Afgooye la geeyay Ciidamada gaar ah ee Madaxtooyada ee loo yaqaano Koofi-Casta ,iyagoo taagan wadooyinka muhiim ah ee Degmada.

Ammanka Wadada isku xirta Afgooye iyo Magaalada Muqdisho ayaa saakay si weyn loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanya Ciidamada dowlada Soomaaliya AMISOM iyo kuwa Maamulka Degmada Afgooye,iyadoo halkaasi lagu wadddo inuu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabduulalahi Farmaajo.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor