Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galaya Shir madaxeedka IGAD oo ka furmaya Adis Ababa

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa maanta ka furmaya shir Madaxeedka cadiga ah ee Urur Goboleedka IGAD, oo ay ka qeyb-galayaan  Madax kala duwan oo Africa ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,waxa uuka mid yahay madaxda ka qeybgelaysa waxaana gelinkii dambe ee shalay uu gaaray  magaalada Adis Ababa shirkaanaa ayaana looga hadli doonaa arrimo kala duwan oo la xiriira mandiqadda gobolka.

Sida ku cad shirkahogaamiyasha madaxda IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Kulamo kala duwan oo gooni gooni ah ayaa ka socda magaalada Adis Aababa oo saacadaha soo socda uu shirku ka furmaya waxaana madaxweyne Farmaajo uu ka mid yahay madaxda kulamada gooni goonida ah ka wada dalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media