Madaxweyne Farmaajo oo Isbedel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamerd Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isbedel ku sameeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, isagoo kuwo Cusub magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xilka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga dalka loogu magacaabay inuu noqdo Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka u magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col. Xuseen Xoosh.

Taliyeyaasha Cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa Maanta si rasmi ah xilalka loogu kala wareejiyay, kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ah Taliska Ciidanka xoogga Dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media