Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Magalada Baydhabo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa ay gaareen Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa waxa ay ka qeybgeli doonaan munaasabada lagu Caleemo saarayo Madaxweynaha Cusub ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(laftagareen).

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah,Wasiiro,Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale,waxaana Garoonka Diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magalada Bayhabo.

Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee Magalada Baydhabo ayaa loo gelbiyay wafdiga Madaxweynaha halkaas oo ay ka dhaceyso munaasabada Caleemo saarka Madaxweyne laftagareen.

Ammaanka Magalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay,waxana Baydhabo sidoo kale ku sugan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wufuud ka socota Dowlad goboleedyada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor